Madaxweynaha dalka Maraykanka ayaa aqbalay in dalkiisa la keeno dad qaxooti ah oo laga keenayo dalka Australia, kuwaas oo lagu jasiirado ku yaala hareeraha dalkaas.

Donald Trump ayaa hore u diiday qaxootigan balse wuxuu ogolaaday todobaadkan, isagoo sheegay in uu dalkiisu qaabilayo in ka badan 1,200 oo muhaajiriin ah, kuwaas oo dad Soomaali ahi ku jriaan isla markaana dib u dejin loogu samaynayo gudaha dalka Maraykanka.

Arintan ayuu Trump sabab uga dhigay in uu fuliyo balanqaadka uu Maraykanku sameeyay. Waxaana hore heshiiska dadkan lagu qaadayo u saxeexay madaxweyne Obama, inkasta oo uu Trump cambaareeyay.

Maraykanka ayaa tan iyo markii Trump talada la wareegay aan u jajabnayn dadka muhaajiriinta ah ee magan galyo doonka ah, isagoo dad badan tarxiilay halka kuwo kalana uu u diiday in ay galaan gudaha Marakanka.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga