Mid ka mid ah maraakiibta dagaalka ee dalka Maraykanka ayaa mar kale tagay marin-badeedka Taiwan oo xiisadi ay ka taagantahay, sida ay xaqiijiyeen milatariga Maraykanka iyo Taiwan.

Shiinaha iyo Maraykanka oo xidhiidhkoodu aanu hadda wanaagsanayn ayaa marar badan oo hore isku khilaafay arinta Taiwan. Shiinaha ayaa qaba in jasiirada Taiwan uu isagu leeyahay, balse jasiirada ayaa leh maamul u gaar ah iyadoo dawlado badanna la leh xidhiidh.

Markabka ayaa maalintii Khamiista ka gudbay marinka, waana wakhti ku beegan 31-guurad kasoo wareegtay xasuuqii ka dhacya xayndaabka Tainanmen ee kumanaanka qof lagu dilay sanadkii 1989kii.

Ciidamada milatariga ee Taiwan ayaa dusha kala socday markabka, iyagoo sheegay in uu gudanayay hawlo caadi ah una jihaystay dhanka koonfureed ee Taiwan.

Shiinaha ayaa xoog uga cadhaysan taageerada baaxadda leh ee xukuumadda madaxweyne Donald Trump ay siiso jasiiradda Taiwan. Taageeradan waxa ku jirta hub badan oo Maraykanku uu ka iibiyay Tiwan marar kala duwan oo ay ugu danbaysay bishii hore.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga