Dawladda Maraykanka ayaa mar kale waxay cuno qabatayn kusoo rogtay qaar ka mid ah madaxda dalka Soomaaliya.
War kasoo baxay Wasaaradda Arimaha Dibadda ee Maraykanka ayaa lagu sheegay in Maraykanku uu dalkiisa ka mamnuucay isla markaana xanibaado kale oo dhanka socdaalka ah kusoo rogay madaxda ka masuulka ah dib u dhaca ku yimi doorashooyinka Soomaaliya.
Maalin ka hor ayay ahayd markii ay madaxda dawladda Soomaaliya isla qaateen in ay dib u dhigaan xiliga loo dajiyay dhammaystirka Doorashada Golaha Shacabka.