Maraykanku wuxuu Sudan ka rabaa malaayiin dollar oo lacag ah si uu uga saaro liiska wadamada argagixisada taageera oo tobanaan sanno ka hor uu ku daray.

Xukuumadda Washington waxay Sudan usoo jeedisay in ay bixiso adduun lacageed oo dhan $330 million. Lacagtan ayaa mag ahaan loo siin doonaa qoyasaska dadka ameerikaan ahaa oo lagu laayay dalka Yemen, kuwaas oo kooxd alQaacida ay masuuliyada weerarka lagu dilay sheegatay.

Waxa jirta cadho xoogan oo ka dhalatay dalabka Maraykanka ee ku aadan in Sudan ay lacagtan bixiso, maadaama dalkan ku yaala waqooyi bari qaaradda Afrika uu la daalaadhacayo dhaqaale xumo.

Xoghayaha arimaha dibadda ee Maraykanka, Mike Pompeo, ayaa salaasadii booqasho ku tegay Sudan, wuxuu madaxda dawladda ku meel gaadhka ah kala hadlay sidii loo soo dhisi lahaa xukuumad rayid ah oo doorasho ku timaada.

Xidhiidhka labada waddan ayaa hagaagay markii xukunka laga tuuray alBashiir, iyadoo imika la filayo in la galo hanaanka Sudan looga saari lahaa liisaska madaw ee Maraykanka.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga