Maraykanka ayaa sheegay inuu dawladda Sucuudi Carabiya iyo dalalka Khaliijka kala tashanayo jawaabta laga bixinayo weerarradii lagu qaaday xarumaha saliidda ee dalka Sacuudiga, kaas oo uu Maraykanku hore ugu eedeeyay dalka Iiran.

 

Mike Pompeo, oo ah xoghayaha arrimaha dibadda ee dalka Maraykanka, ayaa hore ugu tilmaamay weerarkan dagaal lagu soo qaaday boqortooyada Sacuudi Carabiya.

 

Madaxwayne Trump, ayaa isna dhankiisa sheegay inay Iiran loogu jawaabi karo habab aan dagaal keliya ahayn oo kale, isagoo isla markiiba amray in cunaqabataynno dheeraad ah lagu soo rogo Iran.

 

Iran ayaa beenisay inay iyadu ka dambasay weerarrada lagu qaaday xarumaha saliidda laga soo saaro ee dalka Sucuudiga.

 

Saab TV, meesha kuugu dhow ee aad ka heli karto warar xaqiiqo ah iyo barnaamijyo xul ah.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga