Antony Blinken, Xoghayaha arrimaha dibadda Maraykanka ayaa ku sheegay waxa ka socda gobolka Tigrey ”Cidhibtir-qowmiyadeed”.

Xoghaye Blinken, waxaa uu sheegay inaan taas la aqabli karin, hadalkani oo uu sheegay mar uu la hadlayay guddida arrimaha dibadda u qaabilsan Congress-ka Maraykanka.

Su’aalo ay ku boobeen xubno kamid ah aqalka Congress-ka, ayay ku waydiisteen inuu faahfaahin ka bixiyo waxa uu uga jeedo ”cidhibtir-qowmiyadeed”, balse wuu ka gaabsaday inuu faahfaahin ka bixiyo.

Itoobiya ayaa hore uga jawaabtay eedaymaha uu u usoo jeediyay Maraykanku, waxaanay sheegtay in Maraykanku uu farogelinayo arrimaha gudaha dalkeeda.

WARARKII UGU DAMBEEYAY KALA SOCO SAAB TV.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga