Mareykanka ayaa sheegay in dhammaan askarta ka socota Ereteriya ay tahay inay “si deg deg ah” uga baxaan gobolka Tigreega ee Ethiopia kaasi oo ay ka dhaceen dhibaatooyin.

Ereteriyaanka ayaa ka barbar dagaallamayay dhinaca ciidamada Itoobiya iyagoo eryanaya hoggaamiyeyaasha baxsadka ah ee gobolka Tigreega, in kasta oo dowladda Itoobiya ay beenisay jiritaankooda.

Goobjoogayaal ka qaxay gobolka Tigreega ayaa sheegay in ciidamada Eriteriya ay guri guri u galayaan, dilayaan dhallinyarada, bililiqo, iyo gabood-fallo kale oo ka dhan ah aadanaha. 

Bayaankan kasoo baxay dawaladda Maraykanka, ayaa muujinaya sida ay cadaadiska ugu saarayso dawladda Itoobiya, kadib isbedelkii ku yimi aqalka cad.

Mowqifkii Mareykanku wuxuu si aad ah isugu beddelay maalmihii ugu horreeyay ee colaadda markii maamulka Donald Trump uu ku ammaanay Eritrea “is-xakamayn”.

Bayaanka cusub ee Mareykanka ayaa codsaday baadhitaanno madax-banaan oo hufan lagu sameeyo xadgudubyada la sheegay. “Wali ma cadda tirada askarta Eriteriya ee ku sugan Tigray, ama si sax ah meesha ay ku sugan yihiin,” ayaa lagu yidhi bayaanka.

Si rasmi ah looma cadeyn in Mareykanku si toos ah dalabkiisa ugala hadlay saraakiisha Eriteriya.

Wararkii ugu dambeeyay kala soco Saab TV.

 

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga