Dalka Maraykanka ayaa u baahan kaalmo iyo taageero loo fidiyo gudaha dalkiisa, kadib caabuqa Covid-19 oo si ba’an u saameeyay dalka.

Baadhitaano ay wadaan qaar ka mid ah warbaahinta dalka Maraykanka ayaa lagu ogaaday in Maraykanku uu hadda u baahanyahay in hay’adihiisa kaalmada ee dibadda ka shaqeeyaa ay ka hawlgalaan gudaha dalka.

Dawladda federaalka Maraykanka ayaa iyadu aan qaadin tallaabooyinkii loo baahnaa, waxaana dedaaladii ay samaysay ku filnaan waayeen wax-ka-qabashada caabuqa Covid-19 ee dalkaas.

Maraykanka ayaa ah hadda dalka laga helay kiisaska ugu badan iyo dhimashada ugu badan, iyadoo 24-kii saacadood ee lasoo dhaafay oo kaliya la diwaan galiyay dhimashada in ka badan 2500 oo qof.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga