Maraykanka ayaa soo saaray war naadir ah oo lid ku ah Israa’iil iyo dhul ballaadhiska ay ka wado deegaanada Falastiin.

Maamulka madaxweyne Joe Biden ayaa ka hor yimi deegaamayn cusub oo ay bilawday xukuumadda Tel Aviv, taas oo lagu bara kicinayo kumanaan ka mid ah shacabka Falastiin oo si khasab ah looga rarayo dhulkaas.

Afhayeenka wasaaradda arimaha dibadda ee dawladda Maraykanka ayaa sheegay in tallaabada Israa’iil ay sii xumnayso xaalka, siina fogaynayso rejeda ah in mar uun la helo heshiis laba geesood ah oo lagu samaynayo laba dawladood oo Falastiin iyo Israa’iil ah.

Israa’ill axay ku dhawaaqday in ay samaynayso deegaamayn cusub iyadoo cagta marinaysa kumanaan ka mid ah guryaha reer Falastiin ee Daanta Galbeed oo sanado badan ka hor ay qabsatay.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga