Maraykanku wuxuu mar kale hub malaayiin doollar ku kacaya ka iibinayaa jasiirada uu Shiinuhu sheegto lahaan shaheeda ee Taywan.

Waaxda Arimaha Dibadda ee Maraykanka ayaa ansixisay hub ku kacaya $95m kaas oo iskugu jira noocyo kala duwan.

Wasaaradda Difaaca Maraykanka (Pentagon), waxay ku xustay warbixin ay u dirtay Koongareeska Maraykanka in heshiiskani yahay mid Hannaanka Sare Ee Difaaca Hawada lagu siinayo Taywan. Waxa ku jira tababaro ku aadan isticmaalka qalabka milatari, rakibidda iyo sidoo kale hubka laftiisa.

Shiinaha ayaa sheegta Taywan iyadoo khad cas ay u tahay wuxuuna mar ku hanjabay in uu dagaal ka xigo taageerada uu Maraykanku siinayo jasiirada.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga