Maraykanku wuxuu hubkii ugu horeeyay ka iibinayaa boqortooyada Sucuudiga tan iyo markii Joe Biden uu yimi talada Aqalka cad.

Waa heshiis ku kacaya adduun alcageed oo lagu sheegay $650 million, kaas oo la filayo ina y waaxaha kalena meel mariyaan.

War kasoo baxay Waaxda Arimaha Dibada ee Dawladda Maraykanka oo warkan lagu xaqiijiyay waxa lagu sheegay in Maraykanku hubkan uga iibinayo Sucuudiga si ula tacaalo khataraha uu wajahayo iyo kuwa mustaqbalka, waa sida ay hadalka u dhigeene.

Heshiiskan wuxuu Sucuudigu ku heli doonaa gantaalada lidka dhexe ee wadamada iskaga kala gudba, iyo qalab kale oo ku lammaan, sida ay sheegtay shirkadda qaadatay qandaraaska heshiiskan oo fadhigeedu yahay Massachusetts.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga