Maraykanku wuxuu cambaareeyay xil-ka-qaadistii lagu sameeyay Xasan Cali Khayre, raysalwasaarihii hore ee xukuumadda federaalka Soomaaliya. War kasoo baxay safaaradda Maraykanka ee Soomaaliya ayaa lagu sheegay in dawladda Maraykanku ay ka qomamoonayso tallaabada ay qaadeen madaxweynaha iyo baarlamanka Soomaaliya maalintii shalay ahayd, taas oo uu xusay in ay kicinayso xiisadda siyaasadeed ee hadda taagnayd isla markaana wiiqayso dedaalada la waday.

“Tallaabadan aan caadiga ahayni waxay dib u dhac ku keenaysaa hawlaha is-bedelka ee Soomaaliya ay waday iyadoo taageero ka helaysa Maraykanka.” ayaa lagu yidhi warka safaaradda.

Hadalo hanjabaad u dhignaa ayaa sidoo kale  lagu xusay warka kasoo baxay safaaradda Maraykanka ee Muqdisho. Maraykanka ayaa sheegay in uu tallaabo ka qaadi doono wax uu ku sheegay ‘qas-wadayaasha Soomaaliya’ ee curyaaminaya horumarka uu dalku samaynayo.

Maraykanku muu xusin qaswadaaysha uu ku sheegay in uu wax ka qabanayo.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga