Maraykanka waxa lagu ogaaday in ciidamadiisu ay door laxaad leh ka qaateen markabkii la qarxiyay, Moskva, kadibna degay ee ciidamada Ruushku ay lahaayeen.

Sirdoonka Maraykanka ayaa hagay ciidamada Yukrayn ee weerarka fuliyay iyadoo ugu danbayn ay keentay in markabkaas la dajiyo.

Badi warbaahinta Maraykanka oo xiganaysa madax aanay magacyadooda sheegin ayaa ku waramay arintan.

Sheekada ayaa u dhacday in ugu horayn ay ciidamada Yukrayn waydiisteen kuwa Maraykanka in ay u xaqiijiyaan nooca markab Odesa duqaynaya oo badda taagan. Maraykanka ayaa markabka iyo meesha uu taagan yahayba u xaqiijiyay ciidamada Yukryan, taas oo keentay in milatariga Yukrayn ay laba gantaal oo culus ku ganaan markabka, saacado kadibna uu dego kadib muddo uu dab qabsaday.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga