Maraykanka wuxuu farriin adag u diray dhinacyada iska soo horjeeda ee ku lug leh colaadda Itoobiya isagoo raba in ay dhaqan geliyaan wadahadalka xabbad-joojinta iyo in adeegyadii muhiimka ahaa dib loogu soo celiyo gobolka Tigray, sida uu Jimcihii sheegay xoghayaha arrimaha dibadda ee Maraykanka Antony Blinken.

Dowladda Itoobiya ayaa Khamiistii sheegtay in ciidamada Tigraygu ay wali ku sugan yihiin gobolka ay dariska yihiin ee Canfarta, inkastoo afhayeen u hadlay ciidamada Tigraygu uu maalmo ka hor ku dhawaaqay ka bixitaankooda.

Afhayeenka dowlada Legesse Tulu ayaa warbaahinta dowlada u sheegay in wararka sheegaya in ciidamada Tigreega ay ka baxeen Canfarta ay tahay waxay uu ugu yeedhay ‘been weyn.”

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga