Ciidamada Maraykanka ayaa sheegay in ay duqaymo ka fuliyeen gudaha dalka Soomaaliya, iyagoo taageero ka helaya ciidamada dawladda federaalka Soomaaliya.

Taliska Maraykanka ee AFRICOM ayaa war uu soo saaray ku sheegay in ay laba ka mid ah dagaalamayaasha ururka alShabab ku dileen duqayn ay ka fuliyeen deegaanka Saakow ee dhaca gobolka Jubadda Dhexe. Waxayna intaa ku dareen in ay dhaawaceen dagaalame kale.

Warkooda ayaa lagu xusay in aanay dad shacab ahi ku waxyeeloobin duqaynta, balse sheegashadooda marka laga tago ma jirto caddayn kale.

Maraykanka ayaa sheegay in Soomaaliya ay muhiim u tahay danaha dalkiisa ee gobolka, isla markaana ay sii wadayaan wada shaqaynta ay la leeyihiin dawladda Soomaaliya.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga