Maraykanku wuxuu sheegayaa in uu  diyaar u yahay wada hadal uu dib ula furo dawladda Waqooyiga Kuuriya, oo in muddo ah uu hakad galay wada hadaladii u dhexeeyay labada dhinac.

Diblomaasi sare oo u hadlay xukuumadda Washington wuxuu ugu baaqay Pyongyang in ay joojiso walaacyada iyo gantaalada ay sida is daba jooga ah u tijaabinayso, taa bedelkeedana aykusoo laabato miiska wada hadalka oo Maraykanku uu markan diyaar u yahay.

Sung Kim, diblomaasiga ugu sarreya Maraykanka ee wada hadalada WaqooyigaKuuriya wuxuu hadalkan sheegay mar uu wada hadal la lahaa madaxda Kuuriyada Koonfureed oo uu kala hadlay gantaaladii ay dhawaan tijaabisay WaqooyigaKuuriya oo uu ku jiray gantaal nooca biyaha quusa ah, kaas oo dalkaasi aanu tijaabin muddo 2 sanno ah noocaas.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga