Wadamada Maraykanka iyo Ingiriiska ayaa ku dhawaaqay in ay joojiyeen shidaalka laga keeni jiray dalka Ruushka ee wadamadooda iman jiray, si xukuumadda Moscow loogu sii adkeeyo cadaadisyada saaran ee ka dhashay duullaanka Yukrayn.
40% gaasta Yurub waxay ka timaadaa waddanka Ruushka waana xaddi gaas oo aanay ka maarmi karin hadda.
Dawladda Ruushku waxay ku hanjabtay in ay gabi ahaanba jarayso gaasta ay siiso Yurub oo dhan, arintaas oo qalalaase iyo gaas yaraan sababaysa gudaha wadamada waawayn ee Reer Yurub.
Dawladda Maraykanka ayaa diiday in diyaaradaha dagaalka Poland ee MiG-29 loo diro dalka Yukrayn kadib codsi ka yimi madaxweynaha Yukrayn. Maraykanku wuxuu diiday in diyaaradahani ay isticmaalaan saldhig uu ku leyahay Jarmalka kadibna halkaas ka duqeeyaan ciidamada Ruushka. Washington waxay sheegtay in tallaabadaasi ay horseedi doonto in si toos ah ay u dagaalamaan Ruushka iyo gaashaanbuurta NATO.