Maraykanku wuxuu dib u qiimaynayaa taageerada uu siiyo ciidamada Danab, kadib warar soo baxayay oo sheegaya in ciidamadani ay qayb ka qaateen dagaalka afartii maalmood ee tegay ka socday magaalada Guriceel, gobolka Galgaduud, ee badhtamaha dalka Soomaaliya.

Sarkaal sare oo ka tirsan safaaradda Maraykanka ee Soomaaliya oo la hadlay warbaahinta VOA ayaa tibaaxay in dawladdiisu ay dib u qiimaynayso taageerada ay siiyaaan ciidamada Danab, xili ay ka war heleen talyihii Danab ee galmudug oo lagu dilay dagaalka ka socday Guriceel.

Warka Maryakanka ayaa yimi kadib dilka askariga ugu sareeyay ciidamada Danab ee badhtmaha Soomaaliya, kaas oo su’aalo abdani ay ka dhasheen dilkiisa, iyo hawl galada Danab.

Afartii maalmood ee lasoo dhaafay ayuu dagaal lagu hoobtay ka socday guriceel iyo hareeraheeda. Waxa lagu dilay askar ka badan 120 oo labada dhinacba leh, iyadoo boqolaal kalana lagu dhaawacay dagaalkan.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga