Dawladda Maraykanka ayaa dhintay duqaymihii ay ka fulin jirtay Soomaaliya iyo wadamo kale oo Yemen iyo Afkaanistaan ay ka mid yihiin.

Warbixin ay soo saartay Airwars ayaa lagu sheegay in 54% la dhimay duqaymaha uu Maraykanku ka fulin jiray wadamadaas, intii lagu jiray sanadkan.

Waa hoos-u-dhacii ugu waynaa ee duqaymaha Maraykanka tan iyo sanadkii 2004, waxaana ay u muuqataa in Maraykanku uu bedelay siyaasadii uu ku wajahi jiray kooxaha uu beegsado iyo duqaymaha.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga