Xoghayaha arimaha dibadda ee dawladda Maraykanka ayaa booqasho ku yimi magaalada Addis Ababa ee caasimadda waddanka Itoobiya, halkaas oo ay ku kulmeen raysalwasaaraha Itoobiya.

Pompeo iyo Abiy ayaa ka wada hadlay sidii loo xoojin lahaa iskaashiga u dhaxeeya dawladohooda, iyagoo isla soo qaadya isbedelada ay Itoobiya ay wado.

Abiy Ahmed ayaa sheegay in Maraykanku uu Itoobiya ka gacan siin doono hawlaha dib u habaynta dhaqaalaha dalkiisa, iyagoo siin doonaa taageero dhaqaale.

Maraykanka ayaa ah xulafo muhiim ah oo Itoobiya ay leedahay, iyadoo uu aad u danaynayo xidhiidhka ka dhaxeeya dalkan ku yaala Geeska Afrika oo muhiimado badan u leh Ameerika iyo danaheeda qaaradda iyo gobolkaba.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga