Hardanka gobolka Geeska Afrika ayaa sii kordhaya iyadoo gobolkan ay indhaha kusoo jeediyeen wadamada waawayn ee dunidu.

Shalay ayay ahayd markii ergeygii gaarka ahaa ee Maraykanka ee gobolka Geeska Afrika uu is casilay, saacado kadibna wuxuu Maraykanku gobolka usoo magacaabay ergey cusub.

Dalka Shiinaha oo u muuqda mid imika Maraykanka kula tartamaya dhanka galaangalka iyo siyaasadda gobolka, ayaa isna ergey gaar ah Geeska Afrika usoo magacaabay.

War kasoo baxay xoghayaha arimaha dibadda ee Maraykanka ayaa lagu sheegay in diblomaasiga David Satterfield uu yahay imika ergeyga Maraykanka ee Geeska Afrika, kadib marka uu shaqada si rasmi ah ugabaxo Jeffrey Feltman oo iskii uga tegay jagadan shaqada badan u baahan.

Shiinaha ayaa adduun badan galiyay gobolka isagoo sanadihii tegay balaayiin dollar ku bixiyay maal gashiga wadamada Geeska Afrika.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga