Aqalka cad ee dalka Maraykanka, ayaa ka walaacsan weerar uu Ruushku ku qaado Yukrayn, waxaanu muwaadiniinta Maraykanka ee ku sugan gudaha dalkaasi ugu baaqay, inay uga baxaan dalkaasi, muddo 48 saacadood ah.
Lataliyaha ammaanka qaranka madaxwayne Biden, waxaa uu sheegay inay hayaan caddaymo ku filan oo muujinaya in Ruushku weerarayo Ukrayn, inkasta oo aanay garanayn wakhtiga rasmi ahaan ay noqon karto.
Dawladda Ruushku hore ayay u beenisay wararkaasi, waxaanay ku tilmaamtay waxba kama jiraan. Ruushka, ayaa dalbanayay qodobbo ay ugu muhiimsanaayeen dhanka ammaanku, sida inaanay Yukrayn ku biirin xulafada reer galbeedka ee NATO.
Maraykanka iyo xulafadiisa galbeedka, ayaa sheegay inay diyaar u yihiin jawaab adag oo ay ka bixiyaan haddii uu Ruushku uu weeraro Yukrayn, inkasta oo aan illaa hadda si wanaagsan loo ogayn halka xaaladdu ku dambayn karto, haddana waxaa si wayn isha loogu hayaa dagaal ka qarxa qaaradda Yurub.
Maxay kula tahay adiga?
WARARKII UGU DAMBEEYAY, KALA SOCO SAAB TV.