Maraykanku wuxuu cuno qabatayn saarayaa saraakiisha ciidamada Ereteriya iyo xubno kale oo lagu eedeeyay in ay gadh wadeen ka ahaayeen duullaankii Ereteriya ay ku gadhay gudaha gobolka Tigrayga ee xadka ay wadaagaan Itoobiya iyo Ereteriya.

Washington waxay ku eedeeysay saraakiisha ay cuno qabataynta saartay in ay danbiyo iyo tacaidyo ka dhan ah xuquuqda aadanaha ka galeen gobolka Tigray, halkaas oo lagu xasuuqay kumanaan qof oo maydadkooda aan la arag.

Jeneraal Filipos Woldeyohannes, taliyaha guud ee ciidamada Ereteriya ayaa bar til maameed u ah Washington, iyadoo cuno qabatayn la saaray.

Waxa la sheegay in ciidamada ka amar qaadanayaa ay xasuuq ka gaysteen Tigrayga, wax boobeen isla markaana dumar badan faro xumeeyeen, waa sida lagu xusay warka Maraykanka e’.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga