Madaxweynaha dalka Maraykanka ayaa markii ugu horaysay sheegay in dhammaan ciidamada Maraykanka ee ku sugan dalka Afkaanistaan ay kasoo bixi doonaan marka la gaadho bisha December ee dhammaadka sanadkan.

Donald Trump ayaa hadalkan sheegay xili uu galayo doorasho maalmo koobani inaga xigto. Hadalkiisa ayaa sidoo kale kusoo beegmaya xili la taliyaha ammaanka qaranka ee Maraykanku uu tibaaxay in sanadka danbe horaantiisa ay tahay in ciidamada Ameerikaanka oo dhami ay kasoo baxaan Afkaanistaan.

Heshiis uu Maraykanku la galay kooxda Daalibaan ee Afkaanistaan ka dagaalanta ayaa dhigayay in ciidamada Maraykanku ay ka baxaan gudaha Afkaanistaan, taa badalkeedana ay nabad qaadan doonto Daalibaan oo sanado badan dagaal hubaysan kula jirta hywanta uu Maraykanku hor kacayo ee Afkaanistaan ku sugan.

Bisha May ee sanadka 2021 ayaa heshiiska oo Dooxa lagu gaadhay ku saxeexan in ay baxaan ciidamada shisheeye.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga