Sennedka Maraykanka ayaa meel mariyay qorshe ballaadhan oo lagu badhi taarayo xukuumadda Joe Biden, si Maraykanku uu tartan adag ula galo dalka saamayntiisu ay dunida ku fidayso ee Shiinaha, ahna quwada dhaqaale ee labaad ee dunida.

68 xildhibaan ayaa Salaasadii shalay meel mariyay qorshaha oo Maraykanka u ogolaanaya in uu tiknoolajiyada aan xadka lahayn ee Shiinaha la tartamo.

Adduun lacageed oo dhan $190 billion ayaa ku lammaan qorshaha, waxana kharashka farahaas leh loogu talo galay in mar akle lagu horumariyo waaxda tiknoolajiyadda iyo cilmi baadhista ee Ameerika.

Balaayiin dollar oo lagu casriyaynayo is gaadhsiinta iyo walxaha yaryar ee chips-ka loo yaqaano ee loo isticmaalo siyaabaha kala duwan.

Baarlamanka Shiinaha oo dhankooda maanta hadlay waxay deedafeeyeen tallaabada Sennetka Maraykanka. War ay soo saareen waxay ku xuseen in maraykanku uu kaligii rabo inĀ  uu macaasho, oo aanu ogolayn suuqa xorta ah iyo tartanka dunida.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga