
Baarlamanka Maraykanku wuxuu ugu baaqay madaxweynaha Masar in uu sii daayo maxaabiist badan ee u xidhan, kuwaas oo jeelka la dhigay mudadii uu talada hayay madaxweynahan 65 jirka ahi.
In ka badan 50 siyaasi oo ay ku jiraan kuwa ugu caansan gudaha Maraykanu waxay alSiisi usoo jeediyeen in uu sii daayo saxafiyiin, qareeno, dadka u dhaqdhaqaaqa arimaha bulshada iyo dad kale oo badan oo u xdihan maamulkiisa.
Xildhibaanada Koongareeska oo u badan kuwa Dimuqraadiga ayaa baaq ay soo saareen arintan ku sheegay. Waxay cambaareeyeen tacadiyada ka dhanka ah xuquuqda aadnaha ee madaxweynaha Masar uu samaynayo.
Koonagreesku wuxuu awood u leeyahay in qayb ahaan joojin karaan taageerada Maraykanku uu siiyo Masar, hadii alSiisi uu baaqyada iska dhego tiro.