Qoysaska ayaa mar kale dib u midoobaya kadib sanado ay kala maqnaayeen oo Trump uu kala kaxeeyay.

Joe Biden madaxweyaha dalka Maraykanka ayaa saxeexay saddex amar madaxweyne oo taageeraya muhaajiriinta magan-galyo doonka ah ee haybsanaya Maraykanka, iyo qoysaska ay siyaasadihii Tump kala fogeeyeen.

Biden wuxuu dhammaan bedelayaa siyaasadaha kasoo hor jeeda muhaajiriinta galaya Maraykanka ee maamulkii ka horeeyay uu dhaqan galiyay.

In ka badan nus malyuun caruur ah ayaa laga kaxeeyay waalidiintooda. Waalidiinta qaarkood waxa laga mastaafuriyay gudaha Maraykanka halka kuwo kalana laga celiyay xadka ay wadaagaan wadamada Mexico iyo Maraykanku.

Dadka waawayn ee aan haysan sharciyo ay ku joogaan gudaha Maraykanka ayaa xiligii Trump laga saaray dalkaas ama aan loo ogolayn in ay galaan.

Biden oo Aqalka Cad ka hadlayay wuxuu si kulul u cambaareeyay maamulkii ka horeeyay oo uu ku eedeeyay in ay qorshe la’aan caruurta ka kaxaysteen waaldiintii dhalay.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga