9-kii February, 2017, madaxwayne Donald Trump wuxuu khadka telefanka uga sheegay dhiggiisa Shiinaha, inuu Maraykanku dhawrayo madax-bannaanida dhuleed, cireed iyo badeed ee jamhuuriyadda dadka Shiinaha.

Bishii March isla sannadkaas, waxaa caasimadda Shiinaha ee Beijing booqday xoghayihii arrimaha dibadda Maraykanka Rex Tillerson, isagoo mar kale Shiinaha u caddeeyay ka go’naanshaha ay Maraykanka ka go’an tahay inuu Shiinaha la yeesho xidhiidh wanaagsan oo is ixtiraam ku dhisan iyo horumar ka wada shaqayn.

Bishii April, ayuu Trump Maraykanka kusoo dhaweeyay madaxwaynaha Shiinaha Xi Jin Ping, iyadoo loo arkay inuu baalmaray hadallo uu ku hadlay xiligii ololaha doorashada, kuwaasi oo uu Shiinaha ku durayay.

Taariikh ahaan xidhiidhka u dhexeeya Shiinaha iyo Maraykanka ayaan ahayn mid wanaagsan, gaar ahaan markii lagu dhawaaqay jamhuuriyadda dadka Shiinaha bishii October, 1949-kii,  iyadoo Maraykanku uu Shiinaha ugu hanjabay inuu ku weerari doono hubka wax baabiiya ee Nuclear-ka 1955-kii, taas oo ku kalliftay Shiinuhu geed dheer iyo geed gaabanba u fuulo sidii uu ku samaysan lahaa iyadoo ay u hirgashay inuu aakhirkii tijaabiyo Atomic Bomb-kii ugu horreeyay sannadkii 1964-kii.

Xidhiidhkii baqdinta laga qabay ee sida wanaagsan ku bilowday, kaasi oo u dhexeeyay Maraykanka iyo China, ayaa u muuqda mid maraya meel xun, tacriifadaha cashuuraha iyo arrimaha dhaqaalaha ayaa ugu wayn khilaafka China ee xilliga Trump, iyadoo mararkii hore Maraykanku indho gaar ah ku hayay jasiiradaha dad-sameega ah ee badda Koonfurta Shiinaha, halkaasi oo ay cabsi wayn ka qabaan dalalka deriskiisa ee saaxiibka dhow la ah Maraykanka.

 

Sida arrimaha dhaqaalaha iyo jasiiradaha dad-sameega ah, arrinta Taiwan ayaan iyana laga tegi karin, balse jasiiradda Hong Kong ayaa iyadu u muuqata inay safka hore kaga jirto hadal haynta warbaahinta ee xidhiidhka China iyo USA wakhti xaadirkan.

Madaxwaynaha dalka Maraykanka Donald Trump, ayaa shaaciyay inuu saxeexay heshiis tixgelin gaar ah siinayay jasiiradda Hong Kong, taasi oo uu Maraykanku tixgelin gaar ah ku siinayay kobcinta dhaqaalaha jasiiraddaasi, halkaasi oo ay ku sugnaayeen bangiyo iyo shirkado badan oo Maraykan ah, si aanay u joogin dhul-waynaha Shiinaha.

 

Madaxwayne Trump waxaa uu sheegay in Hong Kong loola dhaqmi doono wixii hadda ka dambeeyay sida qaybaha kale ee dhul-waynaha Shiinaha, isagoo sheegay inuu cunaqabatayn kusoo rogi doono saraakiil Chinese ah.

 

Arrintan ayaa imanaysa laba todobaad uun kadib, markii Shiinuhu uu dhaqangeliyay sharci booliska awood u siinaya kala eryidda mudaharaadeyaasha, iyo inay xabbisi karaan dadka laga shakiyo, kuwaasi oo ay haayadaha xuquqal insaanku si wayn uga qayliyeen, dalalka galbeedkuna u arkeen inay soo afjartay nidaamkii ay jasiiraddaasi kaga mid ahayd Shiinaha.

Dadka ka faallooda arrimaha dhaqaalaha, ayaa tallaabadan ku tilmaamay mid uu Trump rabo inuu ku wiiqo awoodda dhaqaale ee jasiiraddan iyo guud ahaan Shiinaha.

Xukuumadda Shiinaha ayaa sheegtay inay ka aargudan doonto tallaabada uu ku kacay madaxwayne Trump, iyadoo bayaan laga soo saaray wasaaradda arrimaha dibadda Shiinaha lagu sheegay in China uu si wayn uga soo horjeedo tallaabada Trump.

Saraakiisha uu Maraykanku cunaqabatynta kusoo rogay ee Shiinaha u dhashay, ayaa lagu eedaynayaa inay ahaayeen kuwii daba ka riixayay sharcigan, inkasta oo carruurta madaxwaynaha Shiinuhu ay wax ka bartaan dalka Shiinaha, oo masuuliyiin Chinese ahina hantidooda mood iyo noolba lehnana dhigtaan Maraykanka, ayaan la garanayn cunaqabataynta uu Shiinuhu kusoo rogi doono masuuliyiinta Maraykanka ee aan iyagu hantina dhigan Shiinaha, waddaankaasna aan booqashooyinka ku tegin.

Waxaa qoray Axmed Maxamuud Yuusuf

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga