Midawga Yurub iyo Maraykanku waxay ka digayaan hawl galo uu Shiinuhu ka wado biyaha lagu muransan yahay ee gobolka Asia Pasific, kaas oo xiisadda ka taagani ay cirka iskusii shareeraysay sanadihii tegay.

Shiinaha ayaa isku arka in gobolka lagusoo doontay oo isagu uu xaq u leeyahay in u maamulo isagoo deegaano ka baxsan lahaanshahooda sheegta, halka Midawga Yurub iyo Maraykankuna ay sheegayaan in aanu xaq u lahayn go’aan uu Shiinuhu kaligii qaato.

Meelaha uu Shiinuhu ka bilaabay hawl galada ee walaaca ku abuuray xulafada Maraykanka iyo Midawga Yurub waxa ka mid ah marinka Taywan, Badda Koonfurta Shiinaha iyo Badda Bariga Shiinaha.

Maraykanka iyo Midawga Yurub waxay ku dhawaaqeen is-xulafaysi ka dhan ah hawl-galada Shiinaha.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga