Madaxweynaha dalka Kenya ayaa qasriga madaxtooyada ee dalkiisa ku qaabilay taliyaha ugu sareeya ciidamada Maraykanka ee Afrika, iyagoo ka wada hadlay arimo kala duwan.

Maraykanka iyo Kenya waxa ay isla soo qaadeen amniga gobolka gaar ahaan arimaha ammaanka ee dalka Soomaaliya.

Kulanka labada masuul ayaa lagu faaqiday sidii ay iskaga kaashan lahaayeen la dagaalanka kooxda alShabaab ee gudaha Soomaaliya, oo sida ay hadalka u dhigeen khatar amni ku haysa labada waddan.

Arintan ayaa imanaysa xili Maraykanku uu soo celiyay ciidamadiisii ku sugnaa gudaha Soomaaliya.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga