Dab-damiyeyaasha Koonfurta gobolka California ee dalka Maraykanka, ayaa waxay ku soo warrameen xilli hore Salaasadii in wax sidii qarax xooggan oo dab dhaliyay ka kaceen kaymaha koonfurta gobolkaasi, kuwaas oo sababay in laga daad-gureeyo tobannaan kun oo qof oo Maraykanka ah.

In kabadan 750 dab-demiyeyaal ah oo isticmaalaya 14 helikobtar ayaa ku guuleystey inay kaliya 5 boqolkiiba dabku ka dhacaan Silverado xakameeyaan, dabkaasi oo si dhakhso ah u faafaya sida ay sheegeen Maamulka Dabdamiska Degmada Orange.

Laba kamid ah kooxaha dab-demiyeyaasha hawl-galka kujira, ayaa si xun ugu dhaawacmay ladagaalanka dabka, iyadoo gubniinka jidhkooda soo gaadhayna uu kala yahay derejooyinka labaad iyo saddexaad sida ay sheegtay waaxda dab-dembiska ee OCFA.  

Dabka ka kacay buuraha Santa Ana Mountains ee koonfurta magaalada Los Angels ayaa ku kallifay saraakiisha inay ku amraan in ka badan 90,000 qof oo degan inay guryahooda ka baxaan Isniintii gudaha iyo hareeraha magaalada Irvine, sida ay saraakiishu sheegeen.

County-ga Orange ayuu olol kale ka kacay goor dambe, kaasi oo isna si dhakhso leh u faafaya.

Sannadkan 2020, dababka ka kacay gobolkaasi California, ayaa baabiiyay in ka badan 6,400 mayl laba jibbaaran (16,500 oo kiiloomitir oo laba jibbaaran) – una dhiganta dhulka gobolka Hawaii – iyadoo dadka ku dhintay ay dhan yihiin 31 qof halka ay ku guryo beeleen kumannaan qof oo kale.

Kooxaha dabka la dagaallamaa waxay sheegayaan in dabaylaha xooggan ee hallkaasi ka dhacayaa ay caawiyeen inuu dabku fido sidoo kalena xannibay la tacaallida dab-dembiyeyaashu ay ka wadaan halkaasi.

Saraakiisha gobolka California waxay sheegayaan inay wadaan baadhis ku saabsan waxaa dhab ahaantii sababay dabkaasi.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga