243 sannadood Keliya saddex jeer ayay awooddan oo kale isticmaaleen aqalka Congress-ka ee dalka Maraykanku iyagoo u codeeyay in madaxwayne Donald J. Trump lasoo gole joojiyo oo xilka laga qaado.

Codaynta oo socotay siddeed saacadood oo dhow dhow ayaa loo adeegsaday labada qodob ee xil-ka-qaadista kuwaasoo labada qodobba la meel mariyay.

Madaxwayne Trump, oo intii ay codayntu socotay isna ku jiray khudbad olole gobolka Mishigaan ee dalkaasi Maraykanka, ayaa ku tilmaamay haweenayda haysta Congress-ka Maraykanku inay waalan tahay, isagoo sheegay inay iyagu sharciga jebiyeen.

Congress-ka, ayaa Trump kusoo eedeeyay kutagrifal-awoodeed iyo inuu Congress-ka ka hor istaagay shaqadiisii.

Xil-ka-qaadista Trump, ayaa hirgeli doonta haddii aqalka sare ee Sanet-ku saddex daloolow laba dalool ku ansixiyaan, iyadoo aqalkaas ay u badan yihiin xisbiga madaxwaynuh kasoo jeedo ee Jamhuurigu.

Awoodda noocan ah ayay hore u adeegsadeen Congress-ku iyadoo ay u kala adeegsadeen madaxwayneyaashii kala ahaa Adrew Johnson iyo Bill Clinton, halka uu is casilay Richard Nixon kahor intii aan lagu qaadin.

Axmed Maxamuud Yuusuf, Telefishanka Saab, Hargeysa

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga