Dawlad goboleedka Puntland ee dalka Soomaaliya ayaa soo bandhigay maraakiib ay sheegeen in ay si sharci darro ah uga kalluumaystaan biyaha dalka Soomaaliya, gaar ahaana kuwa deegaanada Puntland.

Maraakiib laga leeyahay wadmada Pakistan, India iyo Iran ayaa u badan dhawr iyo toban markab oo la sheegay in ay si joogta ah u gurtaan khayraadka biyaha maamulka Puntland, sida ay tilmaantay wasaaradda kaluumaysiga ee maamulkaasi.

Biyaha Soomaaliya ayaa lagu yaqaanaa maraakiibta shisheeye ee sida sharci daradda ah uga kalluumaysta, iyadoo ay sabab u tahay burburka dawladdi dhexe ee Soomaaliya, taas oo keentay in aanay jirin ciidan badeed oo ilaaliya khayraadka Soomaaliya oo haysata xeebta ugu dheer qaaradda Afrika.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga