Wararka ka imanaya galbeedka Afrika, ayaa waxay sheegayaan inaan wax xal ah laga gaadhin wada hadalladii u socday hoggaamiyeyaasha dawladaha galbeedka Afrika iyo madaxda Militariga la wareegay talada dalka Mali.
Wararka ayaa sheegaya in hoggaamiyeyaasha Milatarigu ay ku adkaysanayaan, in taladu ay u taallo dadka reer Mali, isla mar ahaantaana ay iyagu xalka ka gaadhayaan.
Hoggaamiyeyaasha galbeekda Afrika gaadhay, ayaa waxaa hoggaaminaya madaxwaynihii hore ee dalka Nigeria, Goodluck Jenethan, waxaanu sheegay inay ka go’an tahay sidii loo soo celin lahaa dalwaddii rayidka ahayd, inkasta oo madaxwaynihii la afgembiyay uu sheegay inaanu rabin inuu ku noqdo xukunka.
Hore midowga Afrika, ayaa xubinnimadii kala laabtay Mali.
Wararkii ugu dambeeyay kala soco Saab TV.