War ay soo saartay Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan samafalka Caruurta ee Save The Children ayaa lagu sheegay in hal milyan oo ka mid ah carruurta dalka Yaman ay halis ugu jiraan macaluul, xilli qoysas badan oo reer Yaman ah ay la daalaa dhacayaan sidii ay u heli lahayeen cunnooyinka daruuriga ah iyo sidoo kale sidii ay carruurtooda ku gaadhsiin lahaayeen xarumaha caafimaadka.

Waxaa hay’addu ay sheegtay in Tiradani ay ka dhigeyso carruurta reer Yaman ee halista ugu jirta macaluusha 5.2 milyan oo Caruur ah ,waxaana taasi loo sababaynayaa dagaalada sokeeye ee ka taagan wadankaasi Yemen.

Sidoo kale Save The Children waxaa ay intaasi ku dartay in boqolaal kun oo carruur ah ay haatan wajahayaan halis, xilli colaad hor leh ay ka soo cusboonaatay magaalada Xudeyda.

Dagaalada sokeeya ee ka socda Xudeyda iyo qeybo kale oo dalkaasi kamid ah ayaa halis gelinaysa dekadda kaliya ee badeecadaha iyo gargaarka ay uga soo degaan 80% dadka dalka Yaman, taas oo qarka u saaran in ay xidhanto haddii colaadda ay halkaasi ka sii socota, arrintaas ayaa sidoo kale halis gelineysa in sicirka cunnada iyo shidaalka uu cirka isku sii shareero.

Qiima dhaca ku yimid lacagta dalka Yaman iyo burburka dhaqaale ee dalkaasi uu wajahayo ayaa qoysas badan halis u gelinaya gaajo iyo dhibaatooyin caafimaad, sida lagu sheegay warbixinta hay’adda the Save The Children.

Sida ay hadda Save the Chilrden sheegtay Tan iyo sandkii 2015, waxaa 68% sara kacay qiimaha la kala siisto cunnooyinka daruuriga ah, iyadoo meelaha qaarna qiimaha cunnada uu laba jibaarmayo maalinba maalinta ka dambeysa.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga