Raysalwasaare ku xigeenka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa magaalada Kampala kula kulmay madaxweynaha dalka Uganda.

Mahdi Maxamed Guuleed oo ay wehelinaysay marwada koobaad ee Soomaaliya, Saynab Macalin, ayaa madaxweyne Museveni kala hadlay iskaashiga labada dal ee Soomaaliya iyo Uganda iyo guud ahaan sii xoojinta xidhiidhka labada waddan.

Maanta ayay si wada jira xadhiga uga jarayaan warshad wayn oo sonkorta soo saari doonta, taas oo ay hir galiyeen ganacsato Soomaali ahi.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga