Sii hayaha jagada raysal-wasaaraha Soomaaliya Mahdi Maxamed Guuleed ”Khadar”, ayaa maanta u hambalyeeyay saxaafadda Soomaaliya, kadib markii uu madaxwayne Farmaajo saxeexay xeerka saxaafadda oo dibu eegis lagu sameeyay.
Sii hayaha jagada Ra’iisal Wasaaraha Soomaaliya Mr. Khadar oo ka hadlay maxkamadda ku habboon ee qaadaysa dacwadaha saxafiga ayaa yidhi, “Anigu runtii sharci yaqaan ahaan iyo qof ahaan ra’yiyan ma fahmi karo sababta qof suxufi ah xeer ciqaabeed loogu oogaayo waxay tahay waayo ciqaabta Iyo mihnadda saxafinimo ee qofka suxufiga ahi waa kala caaganyihiin”.
Waxay ahayd Sannadkii 2017, kadib markii dib loo eegay 11 qodob, kuwaasi oo ay warbaahintu si wayn uga keeneen doodo, iyadoo aakhrikii ay meel mariyeen golaha shacabka iyo aqalka sare ee Somaaliya.
Wararkii ugu dambeeyay kala soco Saab TV.