Ra’iisul wasaare kuxigeenka Soomaaliya, Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar) wuxuu markii ugu horreeysay sheegay in dowladda Federaalka Soomaaliya ay qorsheyso kulan fool ka fool ah oo ay yeeshaan madaxweyne Farmaajo iyo madaxweynaha Soomaaliland Muuse Biixi.

” Wada-hadalladii Somaliland iyo dowladda federaalka oo wajiyo badan yeeshan si fiican noogu qabsoomay, waxaa naga go’an haddii aan nahay dowladda federaalka inan dardargalino inan dib uga shaqeyno.” ayuu yidhi ra’iisul wasaare ku-xigeenka Soomaaliya oo intaa ku daray ” Ku talagal ayaa jiray bishii March in madaxweyne Farmaajo iyo madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi isku yimaadan oo dhiig cusub la galiyo wadahadalka, jadwal cusub loo sameeyo qorshe uu ka dhasho, way naga go’antahay wada-hadalada mar walba inay qabsoomaan.”

Dowladda federaalka ayuu sheegay in wada-hadallada ay dardar cusub galin doonto oo ay ka shaqeyn doonan sidii dhaqso wada-hadallada ay dib ugu billaaban lahaayeen.

“Hamiga ugu weyn ee dowladda federaalka waa in madaxweyne Farmaajo ka dego magaalada Hargeysa ,sidii Abiy Axmed uu uga degay Asmara .. mar alla marka ay suragal tahay walaalaheena reer Soomaaliland ,Hargeysa iyo Muuse Biixi ay u furanyihiin in madaxweyne Farmaajo uu Hargeyso ka dego oo walaalaha Soomaaliyeed ee reer Hargeysa la fadhisto oo u la sheekeysto Muuse Biixi uu la sheekeysto salaadiinta caanka ah ee reer Hargeysa.”

“Waxaa kaloo albaabka uu mar walba u furanyahay madaxweyne Muuse Biixi inuu Muqdisho yimaado markuu doonana ka soo dego, annaga dhankeena waa diyaar ,haddii berri ka maalin ay suurtowdo in walaalaheena reer Hargeysa madaxweyne Farmaajo ay martigaliyaan ogalaadana inuu yimaado diyaar ayaan u nahay inan Hargeyso ka degno.” ayuu raaciyay hadalkiisa ra’iisul wasaare ku-xigeenka Soomaaliya sida uu ku sheegay hadal kooban.

Ra’iisul wasaare ku-xigeenka Soomaaliya wuxuu warkan sheegay xilli dhowr mar oo hore ay Somaliland ku eedeysay dowladda federaalka inaysan daacad ka ahayn wada-hadallada oo aan wax natiijo ah laga gaadhin illaa hadda.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga