Magaalooyinka waawayn ee dalka Maraykanka waxa lagusoo rogay bandoo iyadoo dibad-baxyo cadaalad loogu raadinayo nin madaw ah oo booliska Minneapolis ay dileen ay sii kordhayaan.

Mudaharaadada oo rabshado wata ayaa hadheeyay badi magaalooyinka waawayn, iyadoo meelaha qaar la bililiqaystay ganacsiyada.

Bandooga ayay dawladdu ku rabtaa si ay u yarayso rabshadaha, iyadoo boolisku ay sunta dadka ka ilmaysisa ku kala dirayaan mudaharaadayaasha.

Madaxweyne Donald Trump ayaa ku baaqay in laga bogsado dilka George Floyd, balse wuxuu dhanka kale xusay in aanay u dul qaadan doonin in rabshuduhu ay dalka qabsadaan.

Sarkaalka dilka u gaystay ninkan madawga ahaa ayaa lagu xukumay in uu dil sameeyay. Maxkamadda magaalada Minneapolis ayaa maalinta Isniinta uu mar kale kasoo muuqan doonaa. Afar sarkaal oo kale ayaa shaqada laga eryay.

Dilka ninkan ayaa mar kale kiciyay xiisadaha u dhaxeeya caddanka iyo midawga ameerika, iyadoo dadka modoobi ay tirsanayaan tacadiyo dheeraad ah iyo isir-takoor.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga