Taliska ciidanka booliska ee gobolka Bari, ayaa hawlgal ay ku sheegeen mid qorshaysnaa waxay ka fuliyeen magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka bari, kaasoo ay ciidamadu ku guulaysteen inay gacanta kusoo dhigaan khamri gaadhi lagu waday iyo dadkii wadayba.;

Teliyaha qeybta ee ciidanka bileyska Gashaanle sareĀ  Xuseen Cali Maxamuud, ayaa warfidiyeenka u sheegay, inay ciidamadu gacanta kusoo dhigeen lixdan quraaradood ama dhalo oo khamri ah, saddex qof oo watay iy gaadhigii lagu waday.

Taliyaha ayaa xusay in ciidan ku sugan kantaroolka magaaladu ay qabteen khamrigan, isagoo sheegay inay wadaan baadhitaan dheeraad ah.

Kala soco wararkii ugu dambeeyay Saab TV, waa meesha kuugu dhow ee aad ka heli karto warar xaqiiqo ah.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga