Inta badan magaalada Beledweyne ee gobolka Hiiraan waxa qariyay biyaha kasoo fatahay webiga Shabeele iyo daadad ka dhashay roobab mahiigaan ah oo magaalada si xidhiidh ah uga da’aya.

Xaaladda ayaa adag waxaana socda gurmad loo fidinayo dadka ay saameeyeen fatahaaduhu oo kor u dhaafaya 70,000(todobaatan kun) oo qof, xili dhimashadu ay dhawr iyo toban qof marayso.

Madaxweynaha HirShabeele, Waare, oo ka hadlay musiibada dhacday ayaa sheegay in 50kii sanoba mar la arki jiray fatahaado noocan oo kale ah, balse arintani ay u baahnayd in ka hor tag laga sameeyo, xili lasii saadaaliyay in webigu uu fatahi doono.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga