Mustxafkii Qaranka Ee Dalka Baraziil, oo Ku Yaalay Caasimadda Rio Dejinero, Ayaa Waxa Ka Kacay Dab Xooggan, Kaasi Oo Khasaare Ballaadhan U Gaystay Alaabihii Halkaa Ku Kaydsanaa.

Madxafkan Ayaa Jiray 200 Sano, Waxaana Hoos Yaallay Alaabo Qadiimi Ah Oo Lagu Qiyaasay 20 Milyan Oo Dollar. Alaabaha Hoos Yaallay Ayaa Dhammaantood Wada Gaadhay Dabku, Waxaana Wararku Sheegayaan In Asaartii Taallay Ba Ay Dhammaanteed Wada Gubatay.Ciidamada Dab-Damista Ayaa La Tacaalaya Dabkan,

Dhismaha Uu Yahay Madxafkani Ayaa Ahaa Qasri Ay Lahaayeen Qaar Ka Mid Ah Boqorradii Bortiqiiska Ee Ka Talin Jiray Qaybo Ka Mid Ah Qaaradda Laatiin Ameerika. Waxaana Ka Soo Wareegtay Muddo 200 Sano Ah, Markii Madxaf Laga Dhigay.

Dabka Ayaa Kacay Galinkii Dambe Ee Maalintii Sabtida, Ilaa Iyo Haatanna Lama Oga Sababta Dhalisay Dabka. Telefishanka Qaranka, Ee Brasil, Ayaa Sawirro Laga Soo Qaadday Madxafka Oo Gubanaya Ku faafiyey Baraha Bulshada,Waxyaabaha Uu Madxafku Ka Samaysnaa Ayaa U Badnaa Loox, Taasi Oo Dabka U Sahashay In uu Si Fudud ugu Fido dhamaan Madxafka.

“Waa Maalin Murugo Leh, Oo Soo Martay Taariikhda Brazil, Waxa Aynu Waynay Dhaxal Aynu Ururinaynay 200 Sano,..”Madaxweynaha Brazil, Mickeal Temer, Ayaa Bartiisa Twitter-Ka Ku Soo Qoray Sidan.

Maareeyihii Madxafka Ayaa Dhacdadan Ku Timaamay Mid aad Looga Xumaado, Waxaana Uu Ku Sheegay In Ay Tahay, Masiibo Ku Dhacday Brazil Iyo Guud Ahaan Dunida.

Madxafka Ayaa Waxa Yaalllay aasaar Naadir Ah, Waxaana Ka Mid Ah Alaabo Qaali Ah, Oo Ay Lahaayeen Boqortooyinkii Degaana Qarniyadii Hore. Waxaa Kale Oo Yaallay Lafihii Diinaasuurtii Ku Noolaan Jiray Deegaanadaasi, Sidoo Kale Waxaa Yaalla Qolfoofka Haween Oo Jiray 12 Kun Oo Sano. Qolfoofkaasi Ayaa Ah Kan Ugu Qadiimsan Ee Yaalla Madxafyada Labada Ameerika.

Madxafka Ayaa Sidoo Kale Waxa Yaalay aasaarti Boqortooyadii Burtiqiiska, Taasi Oo Deegaanadaasi Ka Talin Jirtay Qarbinigii 16-aad.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga