Maalin uun kadib markii Qaramadda midoobay ay aqoonsatay jamhuuriyadda shiinaha, sanadkii 1971-kii, madaxweynhii ee maraykanka, Ronald Reagan oo markaa ahaa badhasaabkii gobolka California ayaa soo wacay madaxweyne nixon oo marka madaxweyne ka ahaa mryknka.

Ronald reagan wuxuu duray dalalkii ka saftay qorshaha ay wadatay dawlada maraykenka iyo qarmada midoobay, oo ay ka mid ahaayeen qaar ka mid ah wadamda qaaradda afrika.

Isagoo la hadlaya madaxweyne nixon, ayuu yidhi “ma arkaysay daanyeeradan afrikaanka ah, wali waxay garan la’yihiin kabaha loo xidhay”

Wuxuu markaa u jeeday madaxdii afrkaanka ahayd ee ku sugnaa fadhigii Qaradmada midoobay ee Magaaladda new york.

Madaxweyne nixon ayaa markaa qosol badan kaga falceliyay Hadaladda reagan.
Waxa jirtay in wafdigii ka socday dalka tansania, ay qoob ciyaareed sameeyeen codayntu markay dhamatay.

Labada nin oo madaxweyne kasoo noqday maraykanka, kana wada tirsanaa xibiga jamhuuriga, ayuu codadkooda baahiyay wargayska the atlantic ee kasoo baxa magaalada Washington. Iyadoo codadkana uu duubay telephonkii madaxweyne nixon.

Hadalada labadan madaxweyne ayaa caddayn u ah in madaxweyne trump aanu kali ku ahayn hadalada cunsuriyadda leh ee uu ku duro dadka madaw ee afrikaanka iyo ameerikaank ah.

Maraykanku wuxuu waagaas ku guul-daraystay qorshe uu watay oo uu ku taageerayay jasiiraddda aan wali la aqoonsan ee taiwan. Iyadoo taasina ay sababtay in rinadl reagan iyo saxiibkii nixon ay hadalo cunsuriyadaysan ku duraan Qaramadda midoobay iyo wadamda xubnaha ka ahba.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga