Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, madaxweynaha Soomaaliya, ayaa saxeexay sharciga duulista rayidka ee Soomaaliya, waxaana hore u meel mariyay labada gole ee baarlamanka Soomaaliya. Farmaajo ayaa xusay in uu mahadnaq u jeedinayo cid kasta oo ka qayb qaaadatay diyaarinta sharciga.
Madaxweyne Farmaajo ayaa sidoo kale maareeye cusub u magacaabay hay’adda duulista. Mudane Axmed Macalin Xasan ayaa jagadaas qaban doona. Jaamacadda London Metropolitan ayuu ka bartay maamulka iyo maaraynta duulimaadyada.

Somaliland ayuu saamayn toos ah ku yeelanayaa sharcigani, xili ay hore Soomaaliya iskugu khilaafeen arimaha hawada. Shirkii Jabuuti ayaa labada dhinac ay isla qaateen in arimaha hawada laga wada shaqeeyo.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga