Madaxweynaha Soomaaliya  Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa wada hadallo kula yeeshay magaalada Yokohama ee dalka Japan madaxweyne ku-xigeenka Bankiga Adduunka ee qeybta Africa Hafez Ghanem.

Wada hadallada ayaa diiradda lagu saaray dadaallada Xukuumaddiisa ee la xidhiidha dib u habeynta maaliyadda, dayn cafinta iyo sidii loo sii xoojin lahaa wada shaqeynta wanaagsan ee haatan ka dhaxaysa Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Bankiga Adduunka.

Kulanka uu Madaxweyne Farmaajo la yeeshay Madaxweyne ku-xigeenka Bankiga Adduunka ee Qeybta Afrika ayaa waxaa ku wehlinayay Wasiirka Maaliyadda Somalia Cabdirxmaan Ducaale Beyle iyo agaasimaha guud ee madaxtooyada Somalia Dr Nuur Diiriye (Fuursade) iyo xubno kale.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga