Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo khudbad ka jeediyey Shirka Nabadda iyo Xasilloonida Geeska Afrika ee qeybta ka ah fadhiyada Madasha Iskaashiga waddamada Afrika iyo Japan (TICAD) ayaa soo bandhigay fursadaha ganacsi iyo maalgashi ee ka jira guud ahaan dalalka Geeska Afrika.

Madaxweynaha ayaa tilmaamay muhiimadda ay leedahay in lagu garab istaago waddamada Geeska Afrika qorsheyaashooda horumarineed, laguna dhiirri geliyo tallaabooyinka hor-u-socodka ah ee ay qaadeen oo salka ku haya daris-wanaagga, iskaashiga iyo isku duubnida dhaqaale, amni iyo siyaasadeed.

“Waxaan si cad u qeexayaa in qorshaheenna muddada fog uu ku qotomo sidii aan mar labaad u soo celin lahayn kaalinta uu dalkeennu ku leeyahay Geeska Afrika, arrinkaas oo aan ka sameynay bilow fiican kaddib markii aan hormuud ka noqonnay dadaalladii dib u heshiisiineed iyo iskaashiga saddex geesoodka ah ee dalalka Soomaaliya, Ereteriya iyo Itoobiya.” ayuu yidhi Farmaajo.

Madaxweynaha ayaa si gaar ah u amaanay kaalinta Jabuuti ee ku aadan xasiloonida gobolka iyo iskaashiga dhaqaalaha.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga