Madaxweynaha maamulka Puntland ayaa sheegay in tiro ka mid ah ciidadiisa gaarka ah ay ku dhinteen shil ka dhacay duleedka Garoowe.

Lix ka mid ah ilaalada gaarka ah ee madaxweyne Deni ayaa ku nafwaayay shilka oo ka dhacay inta u dhaxaysa Garoowe iyo Qardho, iyagoo ka yimi Boosaaso.

” Waxaan Ciidamada Dowladda Puntland gaar ahaan Ciidamada Daraawiishta heerarkooda kala duwan uga tacsiyeynaya Shilka Gaari ee Ciidamadu ku galeen inta u dhexeysa Qardho iyo Garoowe, oo la iisoo sheegay in ay ku geeriyoodeen Lix Askari oo ka tirsanaa ciidamada.Si gaar ah waxaan Tacsi ugu dirayaa Taliyaha Ururka Afraad ee Dayax ee Ciidamada Daraawiishta Puntland G/Sare Mubaarik Maxamed Warsame iyo Saraakiisha kale ee Ciidamadaasi oo aan uga tacsiyeynayo geerida AHUN Kabtan Khadar Cabdi Jalfis iyo Shan Askari oo kale oo shilkaasi ku geeriyooday” ayuu yiri Deni.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga