Madaxweynaha maamulka Puntland ee dalka Soomaaliya ayaa jeediyay khudbadiisii ugu horeysay ee maalinta la hadalka shacabka oo xukuumadiisu ay hore u jidaysay.

Madaxweyne Deni ayaa khubadiisa kaga hadlay saamaynta Covid-19 ee maamulka Putland, arimaha siyaasadda ee maamulada iyo dawladda dhexe iyo arimo kale.

Mr. Deni wuxuu soo dhaweeyay heshiisyadii lagusoo afjaray khilaafaadkii maamulada Galmudug iyo Jubaland, isagoo dhanka kale dawladda federaalka ugu baaqay in ay ka shaqayso midnimada shacabka Soomaaliyeed.

Dhanka kale, madaxweynaha ayaa sheegay in ay tallaabo adag ka qaadayaan cidii isku dayda in ay qaad soo galiyaan Puntland ama caawiyaan soo-galinta qaadka, oo maamulkiisu uu hore u mamnuucay.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga