Madaxweynaha Somaliland ayaa shalay lagu arkay qaar ka mid ah maqaaxiyaha lagu shaaheeyo ee magaalada caasimadda ah ee Hargeysa.

Muuse Biixi Cabdi ayaa marar badan la arkay isaga oo booqashooyin kadis ah ku maraya qaybo ka mid ah magaalada caasimadda ah iyo duleedkeeda.

Mr.Biixi wuxuu sidoo kale kubad la ciyaaray qaar ka mid ah dhalinyarada magaalada oo ku ciyaarayay barxad banaan.

Booqashada madaxweynaha ayaa daarnayd in uu u kuur-galo xaaladaha bulshada, inkasta oo adeegyada aasaasiga ahi ay ka maqanyihiin shacabka.

Dadka isticmaala baraha bulshada ayaa siyaabo kala duwan uga falceliyay arintan.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga