Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, Ayaa Maanta Kulan La Yeeshay Ergayga Gaarka Ah Ee Xog-Hayaha Guud Ee Qaramada Midoobay U Qaabilsan Somaliland Iyo Soomaaliya Mr Michael Keating.

Kulankan Uu Madaxweyne Muuse Biixi La Qaatay Danjire Michael Keating, Ayaa Waxa Ku Wehelinayey, Madaxweyne-Ku-Xigeenka Somaliland,Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici), Guddoomiyeyaasha Guurtida Iyo Wakiillada, Mudane Saleebaan Maxamuud Aadan Iyo Baashe Cali Jaamac Iyo Wasiirka Arrimaha Dibadda, Mudane Sacad Cali Shire, Waxaana Lagaga Wada-Hadlay Sidii Loo Xoojin Lahaa Wada-Shaqaynta Ay Somaliland La Leedahay Qaramada Midoobay.

Wasiirka Arrimaha Dibada Somaliland Sacad Cali Shire Ayaa Ka Warbixiyey Kulanka Ergayga Iyo Madaxweynaha, Waxaanu Sheegay In Laga Wada Hadlayey Sidii Loo Xoojin Lahaa Xidhiidhka Un-Ta Iyo Somaliland Iyo Arrimo Khuseeya Somaliland.

Sidoo Kale,Ergayga Gaarka Ah Ee Xog-Hayaha Qaramada Midoobay U Qaabilsan Somaliland Iyo Soomaaliya, Mr. Keating, Ayaa Sheegay in ay madaxwaynaha somaliland ka wada hadleen, Arrimo Ay Ka Mid Yihiin Doorashooyinka Soo Socda Oo Ay Sheegeen Inay Ka Go’an Tahay In Wakhtigeedii Dhacaan Iyo Arrimaha Tuko Raq,

Kulankan Dhexmaray Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi Iyo Ergayga Gaarka Ah Ee Xoghayaha Guud Ee Qaramada Midoobay U Qaabilsan Dalalka Somaliland Iyo Soomaaliya, Ayaa Noqonaya Kii Labaad Ee Ay Yeeshaan, Muddo Shan Bilood Ah Ee Ay Xukuumaddani Jirtey.

Sidoo Kale, Waxa Ku Cusbaa Kulankan In Shirgudoonka Guurtidda Iyo Wakiiladdu Goob Joog Ka Noqdaan Kulankan Uu Ergayga La Yeeshay.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga